E-helada 17-sano jir Falastiini-Mareykan ah oo loogu yeero (Tawfiq Ajaq), oo ay dileen askarta Israel, ayaa murug diiqaysnaa intii lagu jiray aaskiisa Ramallah, ee Daanta Galbeed Sabtidi.
By:J-Mohamed harun
21, 2024.
●Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku
warameysa in 178 Falastiiniyiin ah la toogtay 293
kalena la dhaawacay 24-tii saac ee ugu danbeysay.
●"Kaan-taroolka ammaanka Israel waa mid kasoo horjeed ku ah dawladnimada Falastiin," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.
Israa'iil ayaa dagaalkeedi billowday kaddib dagaalkeedi 7-dii Oktoobar oo weeraryahanada Xamaas ay ku dileen 1,340 oo ruux koonfurta Israa'iil ayna ku af-duubteen in ka badan 290 ruux.
Warkii ugu horeeyey ee meel-banaan ah oo ku saabsan dagaalki Oktoobar, oo la daabacay Axaddii, Xamaas waxay ku qiyaastay "tallaabo aan laga maarmeen ah" oo ka dhan ah qabsashada Israa'iil ee dhulka falastiiniyiinta iyo hab lagu muujinayoh sii deynta maxbuusiinta Falastiiniyiinta.
Isku diyaarinta cirka iyo dhulka ee Israa’iil waxa uu hadda umuuqda mid diirada saaraya koonfurta Gaza, halkaas oo millatarigu uu ku qanacsanyahy in taliyayaasha sare ee xamas ay ku sugan yihiin magaalada Khan Younis.
Muuqaal IDF ayaa muujiyay wax u muuqday tunnel ay ku jiraan firaashyo iyo unugyo gudaha ka muuqda - waa meesha ay Israa'iil rumeysay tahay in ku dhawaad 25 la haystayaal ah, oo ay ku jiraan ilmo yar-yar, lagu haysto meelo kala nooc ah. Midna lagama soo helin markii tunnelka la furey, in kastoo.
Meesha waa meesha ay Ciidamada Difaaca Israa’iil IDF sheegeen inay ka heleen tunnel kale, oo dherer ahaan dhan yahay 835m (2,705 ft) oo ay ku jiraan dabinada iyo albaabada qaraxyada
Ciidamada Israa’iil waxaa markale qabsadey dagaalo kaga soo cusboonaaday dhinaca waqooyiga marinka Qaza, meeshaas oo Xamaas la sheegay in ay gacanta kudhigtay meel bannaan oo ku taala agagaarka magaalada Jabalia markii Israa’iil ay askar iyo taangiyo kale u dirtay koonfurta.
Wax ka badan saddex bilood tan iyo markii uu iska soo-horjeedku qarxay, Israa'iil - oo askarteedu aad uga sarreyso awoodda Xamaas - ayaa weli la kulmaya iska celin weyn oo ku yaal Gaza.
“Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaya in ay ku qiyaaseen in milatariga Israa’iil in ay dileen 25-35% weeraryahanada Xamaas, taas oo aad hoos ugu dhigaysa hadafka Mr Netanyahu ee ahaa in “si dhameys tiray loo dhameeyo” kooxda hamaas.
Sheekadan qarsoodiga ah ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa ayaa ah in hamaas ay weli gacanta kuhaysato saanad ku filan oo ay ku sii wadi karto duqeymaha ay ku hayso Israa'iil iyo askarta Israa'iil muddo bilo ah, taasoo kor uqaadeysa aragtida dagaal sii socda oo Israa'iil ay ku dhex milmi karto.
0 Comments